Maqaayada iyo sameynta cuntada
Waxaad baratay
- iskudheelitirka cuntooyinka, nafaqada iyo nafaqooyinka
- sida dadka loo siiyo cuntada loona diyaariyo
- sida loo soosaaro waxyaabaha asalka ah sida cuntada iyo cabitaada
- cunto dhaqameedka
- hormarinta hab nolaleedka iyo nadaafada
Waad inaad
- xirfad ahaan kor u qaadi karto aadna ku shaqeyso gacmahaaga
- saxdaa iyo waxna soosaartaa
- awooda adeegyada maskaxda u baahan
Waxaad noqon kartaa
- wax karin karto, aadna karin karton cuntooyinka ama aad noqoto cabitaanle
- dubi taqaano rootiga ama rootiyada lagu dubo meesha lagu kariyo
- sameyn kartaa qado aadna jarjari kartaa hilibka
- xoolaha qalqali karto, aadna noqon karto qof gada dukaan lagu iibiyo waxyaabaha cusub ama cuntooyinka bada
- farsamoyaqaan saasoora cuntada bada ama cuntooyinka caadiga ah
Eeg dhammaan xirfadaha iyo aqoon-cilmiyeedyada
Goobta shaqada
- ishirkad ah maqaayad iyo hoteel
- goobaha caafimaadka iyo isbitaalada
- warshad soosaarta cuntada
- dukaamada lagu qalo xoolaha ama dukaamada lagu kariyo cuntada iyo meelaha lagu sameeyo macmacaanada
- dukaamada gada waxyaabaha cusub
Waxbarasho badan
Waxbarashada xirfadda iyo tababarka waxay ku hagtaa awood u yeelashada xirfadle (leh ama aan lahayn shahaadada ganacsiga ama socdaalka). Kadib dhammaysashada waxbarashada xirfadda iyo tababarka waxaad billaabikartaa shaqo ama inaad qaadato waxbarasho kale:
- Waad qaadan karto waxbarasho saa’id ah oo ah koleej xirfaddeed. waxay dhistaa xirfaddaha ka sarreeya waxbarashada dugsiga sare waxayna bixisaa waxbarasho xirfadeed saa’id ah oo toos loogu isticmaalo in nolosha loogu shaqeeyo.
- Waxaad qaadan kartaa
– kaddib Vg2 ama
– kaddib marka aad ku guulaysto awood yeelayashada xirfadle.
Waxaad fursad u heli inaad qaadato tacliinta sare kuna qaadato kulliyad jaamicadeed ama jaamicad.xusuusnow in barnaamijyada waxbarasho qaarkood, sida injineeriyaddam sayniska iyo barashada caafimaadka, kaaga baahan yihiin inaad haysato maadooyin saynis ah. - Waxaad codsan kartaa ogolaanshaha tacliinta sare kaddib koorsda saa’idka ah ama wadiiqadda Y, wadiiqadda xirfadda ee tacliinta sare. Wadiiqadda Y waxaa loogu talo galay leh khibrad waayo aragnimo xirfadeed. Koorsooyinka aasaaska iyo wadiiqadda Y waa kuwa ugu badan ee lagu isticmaalo waxbarashada sayniska iyo injineerriyada.