Wax gadida adeegyada iyo dalxiiska
Waxaad baratay
- dhaqaalaha iyo waxyaabaha la isku halayn karo
- suuq geenta, wax soosaarka iyo habka ganacsiga
- qalabka casriga ah iyo sida loo maareeyo
- socdaalka iyo dalxiiska
- wax gadida xariirka macaamiilka
- qorsheysaa iyo qaadaana tallabooyinka amaanka ah
Waad inaad
- diyaar tahay, aadna qaabeysaa halka natiijada wax ku oolka ah
- wax soosaar leeyahay aadna leedahay xirfad aad ku fakari kartid
- xiiseynayso inaad la hadasho dadka kale
- u furan tahay hidaha iyo dhaqamada kala duduwan
Waxaad noqon kartaa
- wakiil wax gadida qaabilsan ama hay'ad socdaal
- shaqaale qaabilsan maareynta ama soo dhaweynta
- ilaaliye qaabilsan amaanka
Eeg dhammaan xirfadaha iyo aqoon-cilmiyeedyada
Goobta shaqada
- dukaamada ama shirkad aad adigu leedahay
- xaafiis ama hoteelo
- filimada ammaanka, xaruumaha xaaladaha degdega ah ama garoonka diyaaradaha
- hay'ad qaabilsan socdaalka iyo dalxiiska
Waxbarasho badan
Waxbarashada xirfadda iyo tababarka waxay ku hagtaa awood u yeelashada xirfadle (leh ama aan lahayn shahaadada ganacsiga ama socdaalka). Kadib dhammaysashada waxbarashada xirfadda iyo tababarka waxaad billaabikartaa shaqo ama inaad qaadato waxbarasho kale:
- Waad qaadan karto waxbarasho saa’id ah oo ah koleej xirfaddeed. waxay dhistaa xirfaddaha ka sarreeya waxbarashada dugsiga sare waxayna bixisaa waxbarasho xirfadeed saa’id ah oo toos loogu isticmaalo in nolosha loogu shaqeeyo.
- Waxaad qaadan kartaa
– kaddib Vg2 ama
– kaddib marka aad ku guulaysto awood yeelayashada xirfadle.
Waxaad fursad u heli inaad qaadato tacliinta sare kuna qaadato kulliyad jaamicadeed ama jaamicad.xusuusnow in barnaamijyada waxbarasho qaarkood, sida injineeriyaddam sayniska iyo barashada caafimaadka, kaaga baahan yihiin inaad haysato maadooyin saynis ah. - Waxaad codsan kartaa ogolaanshaha tacliinta sare kaddib koorsda saa’idka ah ama wadiiqadda Y, wadiiqadda xirfadda ee tacliinta sare. Wadiiqadda Y waxaa loogu talo galay leh khibrad waayo aragnimo xirfadeed. koorsooyinka aasaaska iyo wadiiqadda Y waa kuwa ugu badan ee lagu isticmaalo waxbarashada sayniska iyo injineerriyada.