Hopp til hovedinnhold

Muusigga, qoob-ka-cayaarka (jaaska) iyo jilidda riwaayadaha

Waxaad ka dooran inaad ku takhasusto

Waxaad baran

iyadooy ku xidhan tahay maaddada aad dooratay:

  • bandhigga muusigga, kali ahaan iyo la ciyaaridda kuwo kale
  • sharraxaad muujinta jaaska, farsamada jaaska iyo tallaabooyinka jaaska
  • farsamadda matallaada, tilmaamaha iyo wax soosaarka tiyaatarka
  • horumarinta kordhinta awooddaada abuurista

Waa inaad noqotaa

iyada oo ay ku xidhan tahay takhasuskaaga:
  • reero muusik ah iyo mid ku fiican heesidda ama ciyaaridda
  • mid ku fiican muuqaalka jaasidda
  • mid danaynaya door ka ciyaaridda iyo joogidda masraxa
  • mid u soo diyaar garoobay samaynta baraaktiko badan, kali ahaan iyo la samaynta kuwo kale, wakhtiga lagu jiro dugsiga iyo marka aan lagu jirinba
  • hal abuur leh
    Illaa kala badh ardeyda Vg1 ayaa loo ogaan ogolaanshaha iyada oo ay ku xidhan tahay tijaabadda ogolaanshaha ama xirfaddaha la dhukuminti gareeyay.

Waxaad ku guulaysan

  • caddeynta ogolaanshaha jaamicadda iyo inaad qaadankarto tacliinta sare

Haddii aad qaadato tacliinta sare waxaad awoodda, shay’yo kale, aadna noqon kartaa

  • jaasaa, qofka allifa dhaq-dhaqaaqa jidhka sida loogu jaaso ama maccalinka jaaska
  • heesaa, macallin muusik ama qof ku takhasusay muusikadda
  • jillaa (atoore), naqshad sameeye ama majaajulayste
    Waxaad kalood qaadan kartaa waxbarashada xirfado kale - haysashada caddeynta ogolaanshaha jaamicadda waxaad ku codsan kartaa inta ugu badan waxbarashada lagahelo kulliyadaha jaamicadda iyo jaamicaddaha.

Goobaha shaqadu waxay noqon karaan

  • tiyaatarro ama guryaha shaqada
  • goobaha kooxaha muusikadda, hool weyn ama kooxo
  • guryaha kalkaaliyaasha caafimaadka ama dugsiyadda

Ogolaanshaha tacliinta sare

Caddeynta ogolaanshaha jaamicadda guud waxaad codsan kartaa waxbarashada kulliyadaha jaamicadda iyo jaamicaddaha. Si kastaba ha ahaatee, qaar kamid ah waxbarashada ogolaanshahoodu waxay leeyihiin shuruudo khaas ah:

  • Tijaabada ogolaanshaha: Qaar kamid ah waxbarashada waxay kaaga baahan yihiin tijaabo baraaktiko ah in aad hesho ogolaanshahat.tusaale ahaan waxbarashada qaarkood waa hal abuurid ama waxbarashada ciyaaraha.
  • Shuruudaha sayniska: Waxbarashada qaarkood ayaa leh shuruud ah inaad haysato maadooyin saynis ah. Tusaale ahaan barashada injineeriyadda, sayniska iyo barashada caafimaadka. Waxaad ka heli doontaa shuruudaha ogolaanshaha kuliyaddaha jaamicadda iyo jaamicaddaha baraha internaytkat samordnaopptak.no. Barnaamijka waxbarasho qaarkood way adkaan kartaa in la helo qol ama jadwal lagu doorto dhammaan saynisyada aad u baahan tahay. Haddii aad qaadanayso takhasuska barashada guud oo leh sayniska dabiiciga ah ama xisaab ah Vg2 iyo Vg3 waxaad isu taagi jaaniska ugu fiican ee ah inaad awoodi doonto qaadashada saynisyada aad u baahan tahay.